Main menu

Pages

Dhaawacii ugu khatarsanaa ee soogaadha ciyaar yahan kale oo liverpool..........

Dhaawacii ugu khatarsanaa ee soogaadha ciyaar yahan kale oo liverpool Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in uu dhaawac aad u xanuun badan soo gaadhay mid ka mid ah xiddigaha kooxdiisa ka hor kulanka Napoli ee Champions League ee toddobaadkan, kaas oo sii dheereeyey liiska xiddigaha ka dhaawacan Reds. Liverpool ayaa waxa hore uga dhaawacnaa Jordan Henderson, 




Thiago Alcantara, Naby Keita, Curtis Jones iyo Oxlade-Chamberlain oo dhamantood khadka dhexe ah, waxaana hadda raacay liiskaas oo kula laacibka da’da yar ee khadka dhexe ee

 Fabio Carvalho oo uu dhaawac xanuun badan kasoo gaadhay kulankii Merseyside Derby ee Everton. Fabio Carvalho ayaa waxa qalad ku galay Amadou Onana toddoba daqiiqadood ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa taas oo keentay in la beddelo waqtigii nasashada oo aanu kusoo noqonin qaybtii labaad. Tababare Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawaca soo gaadhay Fabio Carvalho uu ka mid yahay kuwa ugu xanuunka badan ee suurtogalka ah ee ciyaartoy soo gaadha, waxaanu yidhi: “Xad-dhaaf ayuu u xanuun badnaa, lugta ayaa dhimatay oo muruqa jilibka ka sarreeya ayuu dhaawac kasoo gaadhay. Jilibka ayuu laabi kaari waayey, muruqa ayaa sare usoo booday mana jirin meel caafimaad qabtay.” Isaga oo sii sharraxaya dhaawaca Fabio Carvalho, waxa uu Klopp yidhi: “Waxa ku dhacday jug xun. Waynu eegi doonaa sida uu uga soo kabto, laakiin waxaynu arkaynay in uu isku dayay in uu socdo laakiin uu awoodi waayey in uu ordo.”
You are now in the first article

Comments